Axmed Hayaan “Ubadka Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda waxaan ka caawinaa waxbarashadda”

Guddoomiyaha guddiga jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan magaalada Zwolle iyo magaalooyinka ku dhowdhow Axmed Hayaan, oo ka hadlayey munaasabadda sannad dugsiyeedka cusub, ee ardayda wax ka dhigata dugsiga ay maamulaan guddigooda ayaa kula dardaarmay ardayda iyo macalimiinta in sannad dugsiyeedka cusub ay dardar gelin  muujiyaan, si wadajir ahna ay uga wada shaqeeyaan horumarka jaaliyad Soomaaliyeed oo dhinac waliba isaga filan.

Guddoomiye Axmed Hayaan, wuxuu ka dhawaajiyey in guddigoodu ay si weyn isaga xilsaareen kor u qaadista aqoonta ubadka Soomaalida ee wax ka barta iskuulada kala duwan ee ku dhaqan Zwolle iyo magaalooyinka u dhow, kuwaas oo ay ka caawiyaan casharada iskuulka ee ku adkaada, sidoo kalena ay maamulaan malcamad lagu barto tarabiyadda iyo qur’aanka, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in maalin walba oo Axad ah isaga iyo xubno guddiga ka tirsan ay waqtigooda siiyaan cid kasta oo jaaliyadda ka tirsan oo laga caawinayo adeegyada muhiimka ah.

“Albaabkeenu, cid kasta waa u furan yahay waxaan u sheegeynaa Soomaalida ku dhaqan Zwolle iyo magaalooyinka ku dhowdhow waana  ay soo tiigsan karaan xarunteena, waxaan diyaar u nahay intii karaankeena ah inaan caawiyo” Ayuu yiri Axmed Hayaan, isaga oo intaasi raaciyey in waxbarida ardayda ka sokow in sidoo kale ay ka caawiyaan dadka in loo akhriyo waraaqaha, foomamka loo buuxiyo.

Hayaan, waxaa kale oo uu sheegay inuu u mahadcelinayo xubaha guddiga jaaliyadda ee isu xilqaamay in ay waqtigooda geliyaan caawinta dadka Soomaalida ah, isaga oo si gaar ah u xusay Macalin Cusmaan Abuukar oo halbowle u ah socodsiinta howlaha jaaliyadda.

“Sannad dugsiyeed kasta waxaa nagu soo biira arday cusub, waxaana si joogta ah u caawinaa caruur, dhalinyaro, hooyooyin iyo dad da’ ah, waxaan soo dhoweyneynaa qof kast oo si samafal  [vrijwillig] ah howsha innagala qeybqaadanaya” Ayuu yiri Hayaan, isaga oo intaasi raaciyey inuu ku faraxsan yahay in aqoontiisa uu si tabarucaad ah ugu gudbiyo dadkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -