Al Shabaab oo Cafis u fidisay Odayaal Xildhibaano kusoo doortay Cadaado (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug kusoo bandhigtay 90-qof oo isugu jiray Odayaal dhaqmeed iyo Ergooyinkii kale ee Xildhibaanada golaha shacabka kusoo doortay magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug.

Odayaasha iyo ergooyinka kale ee lasoo bandhigay oo isugu jiray rag iyo Dumar ayaa ajiibay baaqii Al Shabaab ee ku aadanaa in cafis dalbadaan kana towbad keenaan dambi la sheegay in horey u galeen.

Al Shabaab ayaana Odayaasha iyo Ergada tagtay magaalada Xarardheere u qabatay dooro dhowr maalin socotay, waxaana ugu dambeyn Al Shabaab cafis u fidiyeen odayaashaasi iyo ergada kale ee cafiska dalbaday.

Qaar kamid ah deegaanada Al Shabaab maamulaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu soo bandhigay boqolaal qof oo isugu jiray Odayaal iyo Ergooyinkii wax kasoo doortay Xildhibaanada kuwaa oo ka faa’iideestay cafiska Al Shabaab u fidiyeen.

Al Shabaab ayaa ku amartay Odayaashii iyo Ergadii soo doortay Xildhibaanada golaha shacabka in ay towbad keenaan ayna yimaadaan deegaanada ay ka taliyaan si loo cafiyo, waxa ayna dil ugu hanjabeen Al Shabaab cidii baaqooda qaadan weysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -