Allbanaadir.com
NEWS

Awaamiir laga soo saaray Jeexida Laamiyada iyo Marshabiyoodyada kuyaalla Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta oo Isniin ah soo saaray awaamiir cusub oo lagu joojinayo jeexida laamiyada iyo marshibiyeedyada gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayuu ku joojiyay in la jeexo oo tubooyin la marsiiyo laamiyada caasimadda, iyo Marshabiyoodyada, waxa uu sidoo kale joojiyay in bulaacado laga qodo waddooyinka.

‘Laga bilaabo Maanta Tr-05-06-2023 waxaa la joojiyay in la jeexo Waddooyinka Caasimadda, iyo Marshabiyoodyada, sidoo kale Bulaacado lagama qodi karo Marshabiyoodka, ciddii ku xadgudubta amarkaas talaabo ayaa laga qaadayaa” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho.

Laamiyada magaalada Muqdisho ayaa mararka qaarkood la jabiyaa si loo marsiiyo tubooyinka biyaha iyo fiilooyinka internetka, shirkadaha qaar ayaana loo fasaxo in ay jeexaan laamiyada ayaana u dhisin sidii uu markii hore ahaa laamiyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda maamul goboleedyada oo Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Kismaayo

Cabdi Cade

Nin Eriteriyan ah oo Xamaas ka bad baadiyay Sargaal Israa’iili ah oo la abaal mariyay

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Khayre oo go’aan ka qaatay casuumadii ka timid Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali