Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dhismaha xarunta KMG ah ee Baarlamanka Somalia oo la dhameystiray

Waxaa la dhameystiray dhismaha xarunta KMG ah ee Baarlamanka federaalka Somalia oo laga dhisay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Xaruntan oo si wanaagsan loo qalabeeyey ayaa waxaa si KMG ah ugu sii shaqeyn doona Xildhibaanada Baarlamanka Somalia inta laga dhisayo xarunta golaha shacabka qaranka oo ay hadda ku howlgalaan.

Dhismaha xaruntan KMG ah ayaa waxaa hirgeliyey dowladda Turkiga oo sidoo kale Maalgelineysa Mashruuca ay baxeyso malaayiin dollar oo dib loogu dhisayo xarunta golaha Shacabka.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Dayib Erdogan oo labo jeer booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa balan-qaaday in dowladiisu ay tobanaan milyan oo dollar ku bixineyso dhismaha xarunta golaha shacabka Qaranka oo si casri ah loo dhisi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Todoba caruur isku qoys ah oo ku dhintay dab qabsaday gurigooda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xubnihii Kismaayo u tegay caleemo saarka Axmed Madoobe oo la geeyey Goobweyn (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayraatka iyo Masiirka Somaliland yaa matala ? Dowlada Federaalka mise Maamulka Hargeysa ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---