War Deg Deg Ah: Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somalia oo xilka laga qaaday 

Warar goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ururka 60aad ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada G/sare Axmed Maxamed Cali (Afcadeey).

Sida aan wararka ku heleyno xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa salka ku heysa ciidankii Koofiyada casta ee ilaalada u ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee shalay gudaha u galay xarunta Baarlamaanka.

Ciidankii katirsanaa ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay in amar diido ku sameeyeen saraakiisha ciidanka Milatariga gaar ahaan Taliyaha ciidanka iyo Abaanduulaha kuwaa oo damcay in ciidabkaasi ka saaraan  xarunta Baarlamaanka.

Taliye Afcadey ayaa xilka laga qaaday gabaldhicii maanta, waxaana taliyaha sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay in uu ku fashilmay in ciidanka uu u taliyo ka hor istaago in ay galaan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamadii katirsanaa Koofiya casta ee ilaalada u ahaa Gudoomiye Jawaari ayaa xalay xabsi loo taxaavay, waxaana saraakiisha ciidanka sheegeen in ciidankaasi Maxkamad lasoo taagayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -