Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Khayre oo kormeeray Xarunta Bankiga dhexe ee Somalia (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Bangiga dhexe ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan looga hadlay dardar-gelinta shaqooyinka hor tebinta leh ee bankiga la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha & guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee dalka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maareynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta.

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Talyaaniga oo baaris la galiyay kaddib markii xabsi laga daayay Osama Elmasry

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Olole muddo kordhin loogu sameenayo Madaxweyne Deni oo socda iyo mooshinka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---