Ciidamo cusub oo saakay la wareegay amaanka xarunta Gobolka Banaadir iyo baaritaano adag oo …

Ciidamo cusub ayaa saakay la wareegay amaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir , waxaana ciidankan baaritaano adag ka sameeyeen xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee xaruntaasi.

Shaqaalaha xarunta maamulka ka howlaga ayaa sakaay xili ay doonayeen in shaqada galaan lagu war galiyay in baaritaano lagu sameenayo xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee xarunta gobolka.

Ciidamada ayaana saacado badan baaritaano ka waday gudaha xarunta gobolka Banaadir, waxa ayna ciidamada markii ay baaritaanada dhameeyeen kadib shaqaalaha u fasaxeen in gudaha u gakaan xarunta ayna qabsadaan shaqadooda.

Waxaa lagu wadaa in beri xarunta maamulka gobolka Banaadir ka dhacdo munaasabad balaaran uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.

Xarunta maamulka gobolka Banaadir gudaheeda waxaa bil kahor ka dhacay qarax xoogan ay ku dhinteen Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow , Gudoomiyaal degmo iyo agaasimayaal.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah u shaacin natiijada kasoo baxday baaritaankii lagu sameeyay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka , Wasaarada amniga ayaana shaacisay kaliya xogo ay horey dadka uga warhayeen oo ku saabsanaa sida uu qaraxa u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -