Allbanaadir.com
NEWS

Waalidiin Badan oo Farxad la Ilmeeyay markii ay arkeen Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay dalka Eritrea, waxa uuna dalkaasi u tagay sidii uu ugu kuurgali lahaa nolosha dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi tababar loogu qaaday.

Xasan Sheekh oo tagay xero ciidan ayaa lasoo kulmay qaar badan oo kamid ah dhallinyaradii tababarka loo geeyay dalka Eritrea, waxaana dhallinyaradaasi qaarkood ka muuqatay diif xoogan.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday qaar kamid ah dhallinyaradaasi ayaa waxaa wajiyadooda aqoonsaday waalidiintooda iyo ehelkooda oo warkooda la’aa, waxaana jira waalidiin badan oo farxad la ilmeeyay markii indhaha saareen wiilashooda.

Waalidiintan ayaana uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh dedaalka uu ugu jiro sidii wiilashaasi dalkooda dib loogu soo celin lahaa, waxa ayna mar kale ka codsadeen Madaxweynaha in deg deg wiilashooda ugu soo celiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo  xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan cududdooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan muuqooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ka dhacay Magaalada Beladweyne & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Dhalinyaro Xabsigoodii Dhameystey oo wali xiran iyo Waalidiintooda oo Codsi u Direy Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo la wareegay degaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---