Jaamacadda Benaadir oo Deeq waxbarasho u fidisay Macalimiinta dugsiyada dalka qaarkood (Sawirro)

Jaamacadda Benaadir ayaa deeq Waxbarasho u fidisay illaa boqol Macalin oo ka tirsan macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada aasaasiga ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Munaasabadan lagu daah-furayey deeqdan Waxbarasho ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Somalia, Xildhibaano, Maamulka Jaamacada Benaadir, Wakiilo iyo masuuliyiin ka kala socotay Jimciyadaha iyo daladaha ay ku mideysan yihiin iskuulada Muqdisho qaarkood, aqoonyahano iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Jaamacada Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Xasan (Biday) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku dhawaaqida deeqda Waxbarasho ee ay siiyeen Macalimiinta iskuulada Muqdisho qaarkood, isagoo ku dheeraaday sababaha keenay iney deeqdan waxbarasho u fidiyaan Macalimiinta.

“Jaamacadda Benaadir markii ay aragtay ardayda soo dhameysatay iskuulada sare ee soo galay Jaamacada inaysan intooda badan laheyn tayadii aqooneed ee loo baahnaa ayaa waxay ku dhaqaaqday daraasad ama cilmi baaris muddo qaadatay oo lagu ogaanayey sababta keentay, waxaana soo baxday in Macalimiinta ardayda wax soo bartay badankood aysan u tababarneyn qaabkii ay u soo saari lahaayeen arday dhisan, waxaana ka dib Jaamacadu iyadoo taas ka duuleysa ay go’aansatay in deeq waxbarasho u fidiso illaa boqol Macalin, kuwaasoo wax ka baran doona kuliyada Waxbarashada Jaamacada Benadir oo muddo dheer jirtay, ayna horey uga aflaxeen macalimiin badan oo kaalin firfircoon kaga jira waxbarashada aasaasiga ah” ayuu yiri Dr. Biday oo dhinaca kale sheegay in Jaamacadu ay mar walba u taagan tahay sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga haqabtiri laheyd baahiyaha aqooneed ee markaas taagan.

Senator Prof.  Cismaan Max’uud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa talaabo taariikhi ah ku sifeeyey go’aanka ay qaadatay Jaamacada Benaadir ee ay deeqda waxbarashada ugu fidisay macalimiinta iskuulada dalka qaarkood.

“Macalinku sidaan la wada soconaba waa barbaariyaha bulshada iyo soo saaraha madaxdii berito, haddii aysan aqoontiisa macalinimo gaarsiisneyn heerkii loo baahnaa ma soo saari karo arday tayadooda aqooneed aay sareyso sidaas awgeed ayey deeqaha waxbarasho ee noocan ah muhiim ugu yihiin iney helaan si ay u noqdaan Macalimiin xirfad sare leh” ayuu yiri Prof. Dufle oo ugu baaqay macalimiinta nasiibka u yeesha fursadan iney sidii loogu talo galay uga faa’ideystaan.

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada hidaha & Tacliinta sare ee xukuumada Somalia Mudane Faysal Cumar Guuleed oo gebagebadii ka hadlay munaasabadaas ayaa soo dhoweeyey deeqda waxbarasho ee Jaamacada Benaadir u fidisay Macalimiinta Soomaaliyeed qaarkood oo xusay iney tahay talaabo baahi weyn loo qabo oo mudan in lagu daydo.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan goob joog ka ahaa munaasabadan ay Jaamacadda Benaadir ku daah fureyso deeq waxbarasho oo ay la eegatay halkii loo baahnaa oo ah macalimiinta Soomaaliyeed, Maxaa yeelay macalin aan laheyd xirfadii macalinimo, ma soo saari karo arday tayo leh, waxayna runtii Jaamacadu buuxisay kaalintii ay laheyd Wasaarada Waxbarashada” ayuu yiri wasiirka Waxbarashada oo jaamacada Benadir ku amaanay talaabada taariikhiga ah ee ay qaaday, isagoo ugu baaqay Jaamacadaha kale ee dalka iney ku daydaan.

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale ereyo kala duwan ka jeediyey Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun, Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka ee Jaamacada Benaadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar, hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Dr. Tahliil Cabdi Afrax, Masuuliyiin ka kala socotay Jimciyadaha waxbarashada iyo dugsiyada magaalada Muqdisho iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -