Jen. Tigabu Yilma oo maanta tagaya Kismaayo iyo xog ku aadan u jeedka Socdaalkiisa

Warar lagu kaloonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ay kusii jeedaan Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen. Tigabu Yilma iyo saraakiil uu hogaaminayo.

Jen. Tigabu Yilma oo u dhahay Itoobiya ayaa Kismaayo u tagaya xalinta xiisad ka dhalatay diyaarad milatari ay leedahay Itoobiya lana socdeen ciidamo Kumaandoos ah oo shalay laga celiyay garoonka Kismaayo iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo iyana garoonka loo diiday in ay galaan.

Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa Kismaayo kula kulmi doona saraakiisha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee jooga Kismaayo iyo masuuliyiin katirsan maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland .

Jen Yilma ayaa ka shaqeenaya in diyaarada milatari ay la socdaan ciidanka kumaandooska loo ogolaado in Kismaayo tagaan ,waxaa sidoo kale la filayaa in taliyaha ka shaqeeyo sidii ciidamada Itoobiya loogu wareejin lahaa amaanka garoonka diyaaradaha.

Sargaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee Kismaayo jooga ayaa horey u codsaday in lagu wareejiyo amaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana talaabadaasi kasoo hor jeestay madaxda Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Kenya ee Kismaayo jooga.

Ciidamada Kumaandooska Itoobiya ee shalay loo diiday in ay ka degaan magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn ujeedkooda, waxaana ciidankaasi la sheegay in uu dalbaday sargaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee jooga Kismaayo.

Dowlada Itoobiya ayaa la sheegay in cadaadis xoogan ku heyso madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo mar kale musharax ah, lama oga halka ay ku dambeyn doonto faragalinta iyo cadaadiska Itoobiya ku heyso Axmed Madoobe oo mar saaxiib dhaw la ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -