Kulan Deg Deg ah oo xiligan ka socda Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Warar goordhaw aan ka helnay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah xiligan Madaxtooyada Soomaaliya uga socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Warar aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu ka qeyb galayo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamanaka Soomaaliya oo hada ah sii hayaha xilka Gudoomiyaha.

Kulankan ayaa looga hadlayaa xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan Baarlamaanka iyo foodadii maanta xarunta Baarlamaanka ka dhacday, waxaana si gaar ah looga hadlayaa habdhaqankii Jawaari maanta uu ka sameeyay xarunta Baarlamaanka.

Kulankan u socda Madaxweynaha , Ra’isul Wasaaaha iyo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey ayaa ah mid albaabada u xiran yahay oo ay adag tahay in xog intaan ka badan laga helo.

Waxaa maanta fashil kusoo dhamaaday kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii la sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanaka Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad ee ciidamo la galeen xarunta .

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u sheegay in Gudoomiyaha Baarlamanaka Jawaari uu xoog kula wareegay xarunta golaha Shacabka lana galay ciidamo hubeesan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Warkan kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -