Dowlada Yemen oo laga qabsaday Cadan iyo xulufadii Sacuudiga oo dhexooda isku dhacay

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo magaalada Cadan ee dalka Yeman ciidamada Golaha Gooni u goosadka Koonfurta Yeman ay caawa qabsadeen Madaxtooyada Magaalada Cadan iyo guud ahaan caasimadda KMG ahayd ee dowladda Yeman.

Ciidamadan oo ay sameysay, isla markaana ay taageerto dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Caawa la wareegay Xarunta Madaxtooyada ee Macaashiiq, waxaana isaga baxay ciidamadii dowladda sharciga ah ee dalka Yeman oo sacuudigu taageero, sidoo kalena ay dunidu aqoonsan tahay oo fadhi KMG u ahayd magaalada Cadan, kadib dagaal socday muddo 4 maalmood ah. waxaana dowladdan oo uu madaxweyne ka yahay C/rabi Mansuur markii hore laga soo eryay magaalada Sanca oo ay kala wareegeen kooxda Xuuthiyiinta.

Ciidamada Golaha KMG ah ee Koonfurta Yeman oo ah ciidamo u dagaalamaya inay Koonfurta Yeman ka dhigaan dal madax bannaan ayaa waxaa dhisay oo taageera dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana tiradooda gaaray 90-kun oo askari.

Imaaraadka ayaa saacado ka hor soo saartay baaq ay dhinacyada magaalada Cadan ku dagaalamaya ugu yeertay inay rasaasta joojiyaan, arrintaas oo loo arkay mid siyaasadeed iyadoo la ogyahay inay mas’uul ka tahay waxa ka dhacay magaalada Cadan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Yeman ayaa ku eedeysay Imaaraadka inuu ka danbeeyay inqilaabka ka dhacay magaalada Cadan, iyadoo lagu geystay hubka iyo ciidamada ay dhistay dalka Imaaraadka. Dowladda Madaxweynaha ka nool ee dibad joogga ah iyo madaxweynaha ku nool dalka Sacuudiga ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonaan.

Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo hal xulafo ahaa ayaa xumaaday mudooyinkan sababo la xiriira dagaaladan dhexmaray dhinacyada ay kala taageeraan.

Imaaraadka ayaa horey ugu eedeeyey dowlada Yemen ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdu rabu haaddi iney taageeero ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaana imaraadku ay wadeen mudooyinkan qorsheyaal ay meesha kaga saarayaan Mr. Haaddi inkastoo sacuudigu ay aad uga soo horjeedeen rabitaankai imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -