Baroordiiqdii loo sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo la dhaliilay

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa dhaliilay tacsida iyo baroordiiqda dowlada Somalia u sameyneyso gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir marxuum Eng. Yariisow oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta dowlada hoose ee Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in bedelkii tacsida loo baahnaa in la muujiyo in cadow  haldoorkeenii laayey, isla markaana ay aheyd in laga fekero sidii loogu aargudi lahaa.

Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay C/raxmaan C/shakuur ayaa u qornaa sidatan:- 

Tacsi baroordiiq waxaa loo sameeyaa ruuxii si dabiici ah u geeriyooda. Allaha u naxariistee Eng Yarisow cadow ayaa dilay ee si dabiici ah uma dhiman. Waxay ahayd in aan muujino in cadow uu haldoorkeedii laayey . Diinteena Islaamka ahi ma dhiirogeliso tacsi, janaaso iyo baroordiiq loo sameeyo dadka gacanta cadawga ku shahiida. sababtuna waa in cadawga loo muujin catow iyo dabacsanaan, dadkana aan dhiiga shuhadada wax iska caadi ah looga dhigin.

Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo, maantana ay noqoto maalin dhiilo iyo abaabul. Waxay ahayad in Eng Yarisow guutooyinka ciidanka difaaca ku jira loogu magac daro, hogaanka dawladana uu furimaha dagaalka joogo, waxay ahayd in cadaalada la horkeeno kuwii abaabulay fududeeyey, falkana gaystay, laakiin midkoona ma dhicin. Weli waa nala hodayaa, cadawga ayaana na loo garba duubayaa inta dilka Eng Yarisow geeri dabiici ah loo ekeysiinayo.

Allaha u naxariisto Eng Yarisow iyo intii kale weerarkaas ku shahiiday. Aamiin

C/raxmaan C/shakuur

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -