Waalidiin Gabadhooda oo halis ku jirta u diiday in ay u bixiyaan kellidooda !!

Gabar 16 jir ah ayaa sariirta isbitaalka ay ku jirto waxa ay ku sugeysaa wedkeeda, kaddib markii waalidkeedu u diideen inay u bixiyaan kelyahooda – waayo waa gabar.

Kanchan Kumari oo ku nool Sheikhpura waxaa laba bil kahor soo ritay xanuun waxaana loola cararay isbitaal kaddib markii ay joogi weysay.
Dhowr baaritaan oo la marsiiyay kaddib, dhaqaatiirta ayaa u sheegay in kelyaheedu aanay shaqeyn karin oo ay eber yihiin. Si haddaba loo samata-bixiyo, waxaa qasab noqotay in loo helo kelli fiyow oo lagu beero. Nasiib-darro, midkood – labada waalidba – ma aysan u muujin dareen iyo naxariis inantooda. Mana raboon inay kelli u bixiyaan.

“Yaa siinaya keli waa gabare,” ayuu yiri aabaheed Ramashrey Yadav. Xittaa hooyadeed ma aysan muujin in yar oo jixin-jix ah.

Diidmada ay bixiyeen labadan waalid aya dunida ka yaabisay markii warka inantani uu baahay, hayeeshe awowga reerka ayaa ayiday go’aanka labada waalid kuna tilmaamay mid muhiim u ah jiritaankooda danbe.

“Aabuhu waa quudiyaha reerka; haddii uu kelli bixiyo yaa reerka adeege u noqonaya,” ayuu is weydiiyay awowgu. “Teeda kale waxaa la iska rabaa qarash dhan $100,000. Mana la awoodi karo. Marka majirto sabab aan ku samata-bixin karno nolosheeda.”

In kasta oo reerkani iska yahay sabool, haddana sida laga soo xigtay warbaahinta, majirto dadaal ka baxsan laftooda oo ay ku bixiyeen samata-bixinta inanta ay dhaleen; mana raadin qof deeq-bixiye ah oo kellidiisa ugu yabooha inantooda.

Taas beddelkeeda waxay ku heysteen guriga si ay ugu danbeyntii isaga dhimato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -