Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland oo is casilay iyo Sababta oo la ogaaday

Wararka aan ka heleyno maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu is casilay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen: Cabdi Shugri Cabdulaahi Xuseen, waxaana la sheegay in Warqada is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweyne Saciid Deni.

Iscasilaada taliyaha ayaa la sheegay in ay salka ku heyso is fahmi waa soo kala dhax galay isaga iyo Madaxweynah, waxaana taliyaha codsaday in Puntland ka jawaabto dhaq dhaqaaqa Somaliland ka bilowday deegaanada ay isku hayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaan wali la ogeyn in uu aqbalay iyo in kale is casilaada taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan ku saabsan oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Is casilaada Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa kusoo aadaya xili ciidamo katirsan maamulka Somaliland ay soo galeen deegaano kairsan gobolka Sanaag oo maamulkiisa sheegayo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -