Wasiir Oomaar: “Ethiopian Airlines uma kala gooshi karto Magaalooyinka Soomaaliya”

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in dayuurada Ethopian Airlines aysan u kala gooshi karin magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda, ganacsigaasna uu u xiran yahay shirkadaha Dayuuradaha Soomaalida.

“Dayuurada Ethopian Airlines uma kala gooshi karto Magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda sida Boosaaso iyo Muqdisho Ama Kismaayo iyo Muqdisho. Balse waxay samayn karto Mid AdisAbaba iyo Magaalo wadanka ku taal oo toos ah. Duulimaaad Magaaloyinka Wadanka gudihiisa ahna lagama ogolaan doono hadiiba ay soo soo codsadaan” ayuu yiri Wasiirka

Omaaar waxa uu sheegay in uu jiro heshiis qabyo-qoraal, balse diyaarada Ethopian Airlines ay samayn karto oo keli ah duulimaad ah Muqdisho-Adisababa Ama Hargaysa-AdisAbaba Ama Garowe-Addis Ababa sidaas si la mid ahna ay samayn karaan diyaarada Somali Airlane Ama cida ku matalaysa.

Wasiir Oomaar waxa uu sheegay in sanadkii 1988 labada dawladood ay heshiis kala saxiixdeen kaasoo ogolaanayay in labada diyaaradood ay tagaan dhawr magaalo oo ku kala yaal labada wadan, hadana ay wadaan heshiis cusub oo la diyaarinayo.

Hadalkan ayaa yimid xili dhowaan shirkadaha dayuuradaha Soomaalida ay cabasho ka muujiyeen shirkadaha dayuuradaha Ethopian Airlines oo duulimaadka bilowday magaalada Garoowe, iyadoo horeyna duulimaadyo kale ugu tegi jirtay magaalooyinka Muqdisho iyo hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -