Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Shaqaale badan laga eryay Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu faafinayay warqado ay ku qoran yihiin magacyada shaqaale katirsanaa Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya gaar ahaan agaasinka Bii’adda.

Sida ku cad warqadan Shaqaalahan ayaan laga eryin shaqada dowlada balse waxaa laga bedelay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya qeybta agaasinka Bii’adda ay markii hore ka ay katirsanaayeen

Xog aan helnay ayaa sheegaya in shaqaalahan ayaa la burin balse loo wareejiyay Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Xukuumada Soomaaliya si ay wasaarado kale ugu qorto shaqaalahan la bedelay.

Horey ayaa sidan oo kale shaqaale badan looga bedelay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya kuwaa oo loo wareejiyay wasaaradaha kala duwan ee dowlada ay hada ka shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Maalinta 1aad ee Ciidul adxaa looga dabaaldegay Muqdisho iyo gobolada dalka?

Caydiid Ali

Xaflad lagu Maamuusayey aasaaska Puntland oo xalay ka dhacday Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Nabad sugida Puntland oo ka hor yimid xilka qaadistii lagu sameeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---