Yaa ka dambeeya Diidmada Beesha Cadaado ee Dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug?

Marka laga soo tago in degmada Cadaado ay illoobi la’dahay faa’iidadii ay ka heshay marti gelinta dowlad gobaleedka Galmudug afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa hadana waxaa jira arrima aan wali si dhab ah bulshadu u ogaan oo reer Cadaado ku dhiirri gelinaya in ay ku adkeystaan diidmadooda dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug.

Taariikh Hore Iyo Sannado Ay Cadaado Horyaalka meel Cidla ah ka Heysatay

Magaalada Cadaado oo ah marin isku xira magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ee caasimada goballada Mudug iyo Galguduud waxa ay ka faa’iideysatay go’doonkii Ahlu Sunna ay gelisay Dhuusamareeb, waxa ayna caasimad kumeel gaar ah u noqtay dowlad gobaleedka Galmudug.

Fursadaas meesha bannaan ay Cadaado ka heshay waxa ay horumuud u noqotay in magaalada bulsha badan ay marti geliso, qarash badan soo galo, ganacsigu kobco, magaaladu ballaarato

Baadi kugu daahda xoolahaaga ayey kamid tahay

Sida caadada ah, bini’aadamku ma jecla in dib looga celiyo wixii uu xilliga dheer haystay si kastaba haku soo galaanee,  waana qayb ka ah dabeecadaha Aadanaha ee ma aha arrin ugub ah oo reer Cadaado ay soo hindiseen.

Khayre, Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo Cadaado

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa laba jeer tegay Cadaado si uu uga talo geliyo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana xigay socdaal guddiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug ay ku tageen hase yeeshee waxba kama soo naasa caddaan oo waxa ay reer Cadaado ku adkeysteen in Dhuusamareeb aysan u socon inkasta oo aysan keenin marmarsiyo rasmi ah oo ay diidmadooda ku saleynyaaan marka laga tago in ay ku cabanayaan in ballamo hore looga baxay, Cadaada-na ay tahay xaruntii baarlamaankana

Diidmada Cadaado iyo Xariirka ka dhexeeya Rabitaanka Gaalkacyo

Gaalkacyo oo waligeedba aheyd Madaxweynaha Galmudug, waxa ay fursad wanaagsan u aragtaa in Cadaado ay ku dhiirri geliyaan diidmadeeda iyaga oo u muujinaya taageero ay u hayaan, hase yeeshee uga dhex jeeda dan weyn oo ah in hadii loo hoggaansamo rabitaanka Cadaado oo Dhuusamareeb go’doon la geliyo mar labaad, in Gaalkacyo bannaanka uu ugu soo dhacayo xilka madaxweynaha Galmudug.

Gaalkacyo waxa ay aaminsantahay in hadii Galmudug ay ku shaqeyso Caasimaddeeda rasmiga ah ee Dhuusamreeeb in xilka Madaxweynaha Galmudug uu tartan gelayo, suuragalna ay tahay in Cadaado uga guuleysato arrintaas oo dhabar jab ku ah hadafkooda ah in mar kasta ay ahaadaan hoggaanka Galmudug.

Gaalkacyo mar kasta waxa ay xalkeeda waqtiga gaaban u aragtaa in Dhuusamareeb iyo cadaado mid uun ay maqnaato tan markaas joogtana ay qaadato caasimadda iyaduna (Gaalkacyo) ay ka kali noqoto madaxweynaha ee jaceyl gaar ah uma qabto Cadaado, hadii ay ku guuleysto gadaal ka riixa ay hadda Cadaado ku wadana, waxa ay ugu dambeyn meel cidla ah ka qaadan doontaa xubinta ay dooenyso in ay la kali noqoto oo ah Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug.

Sidee Gaalkacyo uga dambeyn kartaa Diidmada Cadaado?

Gaalkacyo oo iska dhigeysa in ay ka xuntahay Cadaado oo lagu abaal dhacay ayaa waxa ay u muujineysaa taageero aan bannaanka lasoo dhigi karin iyaga oo u sheegaya in hadii ay ku adkeystaan diidmada lagu qasbanyahay, oo ugu yaraan loo oggolaanayo in ay sii ahaanto xarunta baarlalaanka, maadaama ay arkaan in rabitaanku indha tiray oo ay run u qaadanayaan wax kasta oo dhanka ay u jeedaan wax uga iftiiminaya.

 Diidmadu Cawaaqib maku yeelan kartaa degmada Cadaado?

Hadii aysan kasoo dabcin oo aysan garaawsan in wadda qaldan ay  ku socdaan, talada Gaalkacya-na aysan u arkin marin habaabin, waxaa suura gal ah in wax badan badan oo maanta loo ogolyahay ay meesha ka baxaan ayna ku biirto degmooyinka aan ilaa hadda gorgortanka ku jirin ee qaybta ka ah Galmudug, oo ay kusoo koobanto uun marin u dhexeeya deegaanka uu madaxweynuhu kasoo jeedo iyo Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug.

Maxay heli laheyd cadaado hadii ay oggolaado dhismaha Galmdug loo dhanyahay

Fursadda ugu fiican ee Cadaado uga soo bixi karta in shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ay ka qayb gasho oo 10-ka beelood oo kale wax la qaybsato, waxaa suuragal ahaan karta in madaxweynaha soo socda ee Galmudug uu noqdo reer Cadaadood, waxa ayna noqon kartay albaab cusub ee u furma maadaama ay soo gelayaan liiska deegaannada madaxda u noqday Galmudug.

Wali fursad ma heystaan ay dabinka uga baxaan

Cadaado waxaa wali u furan fursad dabahi ah taas oo ah in ay ka qayb gasho gogosha Dhuusamreeb, halkaasna ay ka sheegato dhamaan doodaha ay qabto, oo ay ku dooddo in ay marti gelisay dowlad gobaleedka Galmudug markii meel kale oo la geeya la waayay maantana aysan mudneyn in laga tago, kadibna ay isu diyraariyaan qabashada xilka ugu sarreeyo Galmudug.

Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta miyuu si gaar ah u dhibayaa reer Cadaado?

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa beelaha ugu baaqay in ay ka qayb galaan shirka si tabashada ay qabaan halkaas uga sheegtaan, isaga oo intaa raaciyay in shirka loogu tala galay in cid waliba tabashadeeda sheegato, hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray in micna gaar ah sameyneyso qaadacidda shirka.

Gabagabo:

Reer Galmudug waxaa dani ugu jirtaa in ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ah ee dowladda federaalku lasoo doodanay, ayna dhistaan maamul loo dhanyahay, reer Cadaada-na waxaa dani ugu jirtaa in ay iska fiiriyaan dadka baadida la daydayaya ee aan dooneyn in ay helaan, oo ay is daba qabtaan,  saa cir inta uu da’ayo ayaa la doogtaaye.

Reer Dhuusamareeb waxaa dani ugu jirtaa in Galmudug isu furanto maadaama iyagu ay hadda go’doonkii ka bexeen, sidaa darteed ay reer Cadaado qancintooda ka qayb qaataan, fadhigoodana ugu tagaan iyaga oo la kaashanaya bulshada kale ee Galmudug.

Deegaannada ka maqan gacanta Galmudug iyana hadii wax kale ayan awoodin waa in ay ducada daa’imaan oo niyadda kala jiraan dhismaha Galmudug si markii dhidibada loo taago maamul awood leh, loogu soo jeesto xoreyntooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -