Dib u dhac ku yimid saxiixa Xirmooyinka Shidaalka (Maxaa soo kordhay)

Munaasabad lagu waday in lagu shaaciyo heshiis ay gaareen dowladda Somalia iyo Shirkaddo qaabilsan shidaal baarista ayaa maanta daqiiqadihii ugu dambeeyey dib u dhacday.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixi lahaa Xirmooyinka ceelasha shidaal ee laga baarayo Xeebaha Baraawe iyo Hobyo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo munaasabada, waxaana sidoo kale horay ugu sugnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laftagareen.

Labada shirkadood ee kala ah Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray Soma Oil & gas ayaa lagu wadaa iney heshiiskan la saxiixdaan DF.

Sida ay sheegayaan Warar soo baxaya saxiixa ayaa u dhacay maalinta berri ah, iyadoo warar kalena ay sheegayaan inuu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiska  iyo qaabka loo waafajinayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle iyo guddi uu horkacayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -