Sadex Maalin uu qabsaday Jawaari oo soo dhamaatay iyo Wararkii Ugu dambeeyay Mooshinka halka…

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sabtidii baajiyay kulan la filayay in ay yeeshaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loogana doodo mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Farmaajo ayaa kulamo uu xili dambe la qaatay habeenkii sabtida Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenadiisa ayaa ku guuleestay in kulanka la baajiyo si looga hortago xiisad laga cabsi qabay in Xildhibaanada Baarlamaanka ka dhax dhacdo.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoomiye Jawaari ayaa wadahadal uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo kaga codsaday in uu siiyo sadex maalin uu go’aan kaga soo gaaro in uu is casilo, in uu mooshinka aqbalo iyo in uu kaga soo horjeesto mooshinka.

Jawaari ayaana sheegay in uu dib ugu laabanayo Xildhibaanada taageersan wadatashi kadibna gaari doono go’aan , waxaana sadaxdii maalin uu qabsaday Gudoomiye Jawaari ku ekeyd shalay oo Isniin ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Jawaari uu ka biyo diiday in uu is casilo, waxa uu sidoo kale Jawaari wali ka biyo diidsan yahay in Xildhibaanada ay shiraan kana doodaan mooshinka laga gudbiyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn ka quus gooyay Gudoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada taageersan kadib markii ay ku adkeesteen in Mooshinka uu buray kana soo horjeedaan in mooshinka laga doodo.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari, waxa ayna Xildhibaanadan Madaxweynaha u sheegeen in mooshinkoodu yahay sharci ayna horgeenayaan Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada ka fekeraya in go’aan ka gaaro xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Madaxweynaha uu ogolaan doono in Baarlamaanka kulmaan go’aana ka gaaraan Mooshinka.

Waxaa hada socda abaabul ay wadaan Xildhibaanada Mooshinka ka Gudbiyay Gudoomiye Jawaari kuwaa oo doonaya in beri oo arbaco ah kulmaan codka kalsoonidana u qaadaan Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo.

Dhinaca kale Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa iyana diidan in Baarlamaanka uu kulmo maalinta arbacada , waxa ayna Xildhibaanadan ka digayaan in dhibaato ka imaan karto hadii Xildhibaanada kulmaan arbacada.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Federaalka oo hada ah kusimaha Gudoomiyaha ayaan wali shaacin xiligan ay kulmayaan Baarlamaanka federaalka, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan uu shaaciyo xiliga kulanka dhacayo.

Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xiisad ka dhax abuuray Baarlamaanka dhaxdiisa , waxaana xiisadan ay sababtay in Baarlamaanka iyo Gudoonkaba labo dhinac u kala jabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -