Horumarka Dhaqaalaha Soomaaliya ee Dowladu gaartay iyo Waxyaabaha laga dhaxli karo

Marka laga hadlayo arimaha dhaqaalaha Soomaaliya, waxyaabaha ugu horeeya ee xilligaan dowladda Soomaaliya ay muhiimadda 1-aad siineyso waxaa kamid ah qorshaha loo marayo cafinta deymaha Balaayiinta doolar ah ee dalka lagu leeyay, iyo sida imtixaanaadka arintaasi loo gelayo loogu baasi lahaa si fudud arintaas oo u baahan dadaal dheeraad ah.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sedaxdii bilood ee ugu horeysay sanadkaan 2018, waxaa daqli ahaan ugu soo xarootay dowladda Soomaaliya lacag dhan 42.5 Milyan oo doolar arintaas oo lagu tilmaamay guul weyn oo usoo hoyatay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, maadaama laga doonayay dowladda in ay soo xareyso 41 milyan oo doolar si ay u fududeyso Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya. Dowladda ayaa lagu xiray shuruud adag oo ay in ugu yaraan in qarashka ku baxa dowladda iyo dakhliga ay soo xareyso isla ekaadaan.

Ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre oo ka qeyb galay munaasabad  April 1, 2018 lagu qabtay wasaaradda maaliyada laguna soo bandhigayay guusha la gaaray ayaa waxa uu u hambalyeeyay wasiirka Maaliyadda, kuxigeenkiisa iyo guud ahaan shaqaalaha wasaaradda ee shaqada adag qabtay, waxa uuna faray in la qaado Canshuurta berriga si Dakhligu soo xaroodaahi uu sare ugu koco.

Tilaabooyinka kale ee dhanka dhaqaalaha loo qaaday bishii March waxaa kamid ah: R.wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa horaantii March ka qeyb gelay kulankii Forum Fragility 2018 ee Magaalada Washington, waxa uuna halkaas kula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Bankiga aduunka, Makhtar Diop, agaamise kuxigeenka maamulka ee IMF, Tao Zhang, iyo David Malpass oo Xoghayaha maaliyadda kala shaqeeya arimaha caalamiga ah.

Kheyre iyo masuuliyiinta uu kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen kobaca dhaqaalaha iyo tilaabooyinka cad cad ee dhanka horumarka maaliyadda ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale waxa uu march 20 Muqdisho kula kulmay Luciano Pezzotti oo ah ergagyga gaarka ah ee Talyaaniga u qaabishan Geeska Afrika waxa ayna ka wada hadleen guulihii dowladda Soomaaliya ay gaartay sanadkii hore gaar ahaan guulihii dhanka maaliyadda iyo sida dowladda Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shir looga hadlayo arimaha maaliyadda waxa uu uga qeyb galay Dalka Ivory Coast.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS ayaa kaga qeyb-galay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo 44 dal oo kamid ah 55-ta dal ee Afrika ay ku saxiixeen Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga ayaa ka wada hadlay siddii loo dhameestiri lahaa Qorshaha Diiwaan galinta Akoon lacag ku qaadashada (biometric payroll) ee Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed, waxaana arintaas looga hadlay kulan ay yeesheen Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Maxamud Xayir Ibrahim iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Mudabe Cabdullaahi Colaad Rooble. Waxa ay kada hadleen Maxamud Xayir Ibrahim iyo Cabdullaahi Colaad Rooble qaabka waxaa ugu muhiimsanaa sida ugu fudud ee loo diwaan galin lahaa Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka maadaama horay loogu guuleestay in lacagaha mushaarka ah ay Akoon ugu dhacaan ciidamada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -