Madaxweyne Farmaajo oo ka Walaacsan abaabulka ay wadaan Musharaxiinta kasoo horjeeda

Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir uga furmay 12-kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, kuwaa oo shirkooda uga arinsanaya arimaha doorashada iyo sida ay uga soo horjeedaan guddiyada doorashada ee la magacaabay.

Musharaxiintan shirka u furmay ayaana ah kuwa ugu saameynta badan ee isku soo taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku jira musharaxiintan labo Madaxweyne hore iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka walaacsan shirka magaalada Muqfisho uga furmay musharaxiinta Madaxweyne iyo abaabulka isaga ka dhanka ah ay wadaan Musharaxiintan.

 

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa laga soo xigtay in Farmaajo saacadihii lasoo dhaafay uusan ka bixin shirar uu la qaadanayo la taliyaashiisa iyo sidoo kale Masuuliyiinta kale ee dowlada ku jira gaar ahaan kuwa sida weyn ugu dhaw.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana ka cabsi qaba in shirka magaalada Muqdisho uga furmay midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxaan go’aano saameyn ku yeelan karo in doorashada u dhacdo sida uu isagu rabo.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka wel welsan in go’aanada kasoo baxa shirkka Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay soo dhaweeyaan Beesha Caalamka oo marar badan ku baaqday in la qabto doorasho wada ogol ah .

Musharaxiinta shirka uga furmay Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in ay soo saaraan go’aano saameyn ku yeelan kara geedi socodka doorashada sidoo kale ku dhawaaqaan guddi kale oo doorasho ay ku burinayaan guddiga dowlada magacawday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -