Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisoow Adeege Qaran oo aan la ilaawi doonin

Alle ha u naxariisto Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) iyo Axmednuur Maxamed Jaamac

Marka hore ma dhinte waa Ilaah, ee naf walba geerida waa dhadhaminaysaa, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) oo dhaawaacii ka soo gaaray qaraxii xarunta gobolka ka dhacay 24kii bishii ina dhaaftay ugu geeriyooday xarunta dalka Qadar ee Dooxa. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii Fardowsa geeyo, qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo ummadda Soomaaliyeed ba Samir iyo iimaan ka siiyo.

Markaan ka tago tacsida, runtii geerida Guddoomiye Yariisoow waxay ii taabatay si naxdin leh, waxana ay igu reebtay murugo iyo tiiraanyo muddo dheer igu sii jiraysa. Guddoomiyaha ma ahayn keliya shaqa-wadaag ee waxaan ahayn saaxiibo isu dhow oo isu xog haya. Inta aanan la shaqo bilaabin markii loo magcaabay gudoodmiyaha gobolka Banaadir, waxaan muddo dhawr sano ah ahayn saaxiibo shaqo oo ka wada shaqeeya warfaafinta hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ku xasuustaa inuu ahaa nin shaqo yaqaan ah, daacad ah, af gaaban, ixtiraam badan, saaxiibbo badan, jecel dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana ay ka go’an tahay nabadaynta iyo horumarinta dalka. Ma ahayn shaqsi isla weyn ee waxa uu ahaa qof xil kasta uu hayo aan ka dhex bixin dadka iyo asxaabtiisa. Sidoo kale, ma jeclayn khilaafka,waxana uu doorbidi jiray in wax walba lagu dhameeyo wadahadal iyo is-fahan, isagoo taasi ku mutaystay in uu noqdo siyaasi qunyar-socod ah oo la shaqayn kara maamulladdii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Lama soo koobi karo sifooyinka wanaagsan ee uu lahaa Guddoomiye Yariisoow, waxay sifa kasta u baahan tahay in sadaro badan laga qoro, lagana bixiyo tusaalayaal tira badan, laakiin waa in la wada xusuusnaado in uu ahaa nin qaaliya oo qarankiisa u soo shaqeeyey, kuna shahiiday isagoo dadkiisa u adeega. Ma jirto wax ka wanaagsan inaad dhimato adigoo waajib qaran iyo mid ummadeed gudanaya.

Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya inay magaciisa waariyaan oo haddii aan taallo loo dhisayn, lagu magcaabo xarumaha muhiimka ah ee gobolka Banaadir ama jidadka Muqdisho. Waa muhiim in bulshadu mar walba xusuusnaato madaxdii iyo halgamayaashii u soo shaqeeyey.

Sidoo kale waxaan ku baaqayaa in baaritaan dhamaystiran lagu sameeyo falkii argagaxiso ee lagu dilay guddoomiyaha iyo madaxdii kale, si ciddii ku lug lahayd oo dhan loo ogaado, loona ciqaabo. Waa in aanay caddaaladda ka baxsan dhagarqabayaashii ka danbeeyey dhacdadaasi foosha xun.

W/Q Axmednuur Maxamed Jaamac
Muqdisho-Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -