Duqa Magaalada London oo ka hadlay geeridii ku timid dhigiisa Muqdisho

Duqa Magaalada London ee dalka Ingiriiska Sadik Khan ayaa farriin tacsi ah u diray qoyskii, eheladii iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Duqii magaalada Muqdisho, ahaana guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow oo shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Doxa ee dalka Qatar oo looga daweynayey dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray qarax ka dhacay Muqdisho todobaad ka hor.

Farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Duqa magaalada London ku sheegay inuu aad uga naxay ugana murugooday geerida Duqii magaalada Muqdisho C/raxmaan Osman oo uu sheegay inuu ahaa qof dadka Soomaaliyeed u ahaa dhiirigeliye, isagoo sanado badan ku qaatay dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab iyo fekerkeeda xun sida uu warka u dhigay.

ā€œWaxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskiisa iyo dadkii saaxiibada ahaaā€ ayuu qoraalkiisa ku yiri Duqa magaalada London Sadik Khan oo ka mida kumanaan qof oo farriimo tacsi ah baraha bulshada u marsiiyey Marxuum C/raxmaan Yariisow.

Yariisow ayaa ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska muddo 17 sano ah inta uusan Muqdisho u soo wareegin, wuxuuna mar noqday madax Guriyeynta ee Golaha degaanka Ealing oo magaalada London ka tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -