Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow gaaray Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Marko-cadey ee gobolka Sh/hoose.

Waxaa madaxweynaha safarka ku wehliya, Wasiiro, saraakiisha iyo abaanduulayaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Shacab fara badan ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyey magaalada Marko, iyadoo xaalada amaanka magaalada si weyn loo xoojiyey.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan ujeedada safarka Madaxweynaha uu ku tegay magaalada Marko ayaa lagu sheegay iney tahay dhiirigelinta guutada 14-ka Oktoobar bee ciidanka xoogga dalka ee ka howlgasha Magaalada Marko iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Guutada 14ka Oktoobar ayaa dhowaan magaalada Marko iyo qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose dagaal kaga saaray kooxda Al-shabaab.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ugu tegay guutada 14-ka Oktoobar ayaa ku soo aaday xili maanta ay ku began tahay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtayt qaraxii Zoope oo galaaftay nolosha boqolaal shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku le’day doon siday boqolaal qof oo ku degtay harada Victoria (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjire Virander Kumar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---