Imaaraadka oo ku eedeeyay Qadar falalka iyaga ka dhan ah ee Soomaaliya ka wado

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay Warbixintii dhawaan lagu qoray Wargeyska New Yourk Times ee lagu sheegay in dowlada Qadar ka dambeesay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay inaan indhaha laga qarsan karin warbixintii Jariirada New York Times ee ku shaacisay codka sirta ah ee laga duubay maalqabeen Qadari ah oo ka sheekeenaya Qarax ka dhacay Boosaaso.

” Waa nasiib daro in Qatar ay falal argagaxiso u adeegsaneyso Imaaraatiga, waxayna tani cadeyn u tahay inuu ahaa go’aan saxan cunaqabateyntii aan saarnay wadanka Qatar..” ayuu yiri Anwar Gargash.

Dowlada Qadar ayaa horey u beenisay eedeytan loo jeediyay ee ku aadaneyd in qaraxii ka dhacay Boosaaso maleegtay, waxa ayna dowlada Qadar balanqaaday in baaritaano lagu sameenayo codka laga duubay maalqabeenka codka laga duubay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -