Wasiir Cawad oo kulan xasaasi ah la qaatay danjiraha Kenya u fadhiya Somalia (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay maanta Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Lucas Tumbo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si loo adkeeyo qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh oo soo taxanaa muddo aad u fog.

Xiriirka labada dowladood ayaan ka xumaaday muddooyinkan ka dib markii dowlada Somalia ka hor tmid cadaadis kaga yimid Kenya oo la xiriira iney ka laabato dacwada hor taalla Maxkamada caalamiga ah ee ICG ee la xiriirta badda Somalia ee Kenya sheegato.

Kenya ayaa dooneysa in wadahadal iyo xeer jajab lagu xaliyo badda ay sheeganeyso ee Somalia, iyadoo culeysyo kala duwan oo dhinaca socdaalka ah ku soo rogtay madaxda dowlada iyo Soomaalida ee dalkaas booqanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -