Digniino laga bixiyey roobab dabeylo wata oo ka bilowday xeebaha Bariga Afrika

Khubadarada saadaasha hawada ayaa ka digaya dabeylo xoogan oo laga cabsi qabo in a ku dhuftaan deegaano ka tirsan Bariga Afrika laga bilaabo maanta oo khamiis ah.

Qaybta saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dabaleyahan xooggan ay gurayaha saqafka kore ka qaadi karaan isla markaana ay sababi karaan burbur xoogan.

Meelaha ay dabaylahaas ku wajahan yihiin waxaa ka mid ah gobolka waqooyi bari Kenya ee ay soomaalidu degto, sida Gaarisa, Mandheera iyo Wajeer.

Sidoo kale heyadaha saadaasha hawada ayaa sheegaya in xeebaha Soomaaliya ay ku dhufteen dabeylo xoogan iyo roobab iswata oo khasaarooyin kala duwan geysan kara.

Digniinahan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay ilaa maanta ay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia laga dareemayo roobab isdaba joog ah oo wata qabow daran iyo dabeylo, waxaana meelaha ay saameeyeen ka mid ah Muqdusho, Marko, Warshiikh, Caddale iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -