Xildhibaano ku eedeeyey Madaxweyne Deni inuu xushmad daro u muujiyey Golaha wakiilada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xassan Daad.

Deni ayaa ka qeyb galayey maanta kalfadhigii baarlamanka Puntland oo ka furmay magaalada Garoowe.

Xildhibaanka ayaa madaxweyne Deni weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo ayna waxba ka qaban weysay mudadii ay jirtay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Balse Madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guulo waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen Madaxtooyo ka ahaa ay arrimo badan ku fashilmeen kuwaasoo ay ka mid ahaayeen bixinta mushaharooyinka ciidanka iyo shaqaalaha dowlada.

Deni ayaa markii uu su’aashaasi ka jawaabay si deg deg ah uga baxay Baarlamanka isagoo si aad ah uga careysan su’aasha uu weydiiyey xildhibaanka.

Wax yar ka dib markii uu baxay Madaxweynaha ayaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda waxay Madaxweyne Deni ku eedeeyeen si xushmad-darro ah inuu ula dhaqmay mudanayaasha Golaha wakiilada, kadib markii uu ka carooday su’aal la weydiiyay.

“Madaxweynaha waxaan weydiiyay su’aal, runtii xildhibaanno badana way safnaayeen oo waxay rabeen in ay su’aalo weydiiyaan madaxweynaha, su’aashayduna waxay ku salaysaneyd xaqiiqda dhabta ah ee waddanka ka jirta, sidaad dhegaysanayseena, wuxuu iiga dhex-hanjabay Baarlamanka dhexdiisa, anigu u hanjabi maayo sidiisa oo kale, balse Dastuurkan ugu hanjabayaa, haddii Alle idmo jawaabtana isaguu ka helayaa. Madaxweynaha anigu wax ceeb iyo sharaf dhac ah ma oran, nin oday saaxiibkay ah ayuu aha. Waad u jeedeen si caro leh ayuu hoolkii uga baxay” ayuu yiri Xildhibaan Cawil Xassan Daad oo ka mid ahaa xildhibaanadii shirka jaraa’id qabtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan Cawil Daad iyo xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ay muddo todobaad ah ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo kulamo gaar gaar la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Deni ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya gudaha Puntland iyo dhanka Federaalka ah oo haatan u muuqata in dowladda Dhexe ay xeelado adeegsaneyso, si ay duufaan siyaasadeed ugu kiciso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -