Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal Khasaare geystay oo maalintii labad ka socda degaan hoos taga Galmudug

Dagaalo khasaare geystay ayaa maalintii labaad ka socda degaanada Bacda ina Axmed Dirir iyo Xananjiif oo ku yaalla duleedka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo labo maleeshiyo oo ka soo jeeda demooyinka Guriceel iyo Caabudwaaq, iyadoo uu salka ku hayo dilal aanooyin qabiil oo horey u dhexmaray labada beelood.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay dagaaladan, halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la kala geeyey isbitaalo ku yaalla degmooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel

Labada dhinac ayaa wada abaabul hore iyo gurmadyo kuwaasoo laga cabsi qabo iney dagaalada sii huriyaan, iyadoo xiisada colaadeedna ay sare u sii kaceyso.

Ma jiraan illaa hadda dedaalo nabadeed oo lagu qaboojinayo dagaaladan, maamulka Galmudugna weli wax war ah kama soo saarin colaada labada beelood oo marar badan la xaliyey balse soo laalaabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir u soo gebageboobay Wasaaraddaha Caddaalada DF & dowlad goboleedyada (Sawirro)

admin

Guddoomiyihii Guddiga doorashada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la doortay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo guul siyaasadeed gaaray iyo Indhaha bulshada oo aad u hayo !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---