Allbanaadir.com
NEWS

AMISOM oo shaacisay tirada askarta looga dilay Weerarkii ka dhacay Buula Baruur

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xero Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ku lahaayeen Degmada Buulo Mareer.

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxa ay sidoo kale labada dhinac dagaalkaasi mid waliba ka sheegtay guul.

Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo Richard Karemire, ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay Buulo Mareer lagu dilay 4 askari oo kasoo jeeda dalka Uganda afar kalana lagu dhaawacay.

Richard Karemire, ayaa sheegay in dagaalkii shalay guulo ka gaareen kuna jabiyeen dagaalyhanadii soo weerarary, waxa uuna shaaciyay in 22 dagaalyahan oo Al Shabaab katirsan weerrakaasi ku dileen.

Al Shabaab ayaa dhankeeda horey u shaacisay in weerarkii Buulo Mareer ku dileen 59-askari oo katirsan Ciidamada AMISOM, waxa ayna Al Shababa sidoo kale dhankooda qirteen in dagalakaasi looga dilay 14-dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wakiiladda Puntland oo saaka gudagalaya wax ka beddelka dastuurka iyo dedaalo socday oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Cagjar oo soo saaray amar lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga

Caydiid Ali

Mrs.Caroline Van Buren oo booqasho ku timid Somalia & Guddoomiye Yariisow oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---