Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka …

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Dowladda iyo Shacabka dalkaTunisiya ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada Madaxweynihii dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi oo geeriyooday aroortii Khamiista, 25-kii bisha Luuliyo 2019. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Tuunis ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuum Muxammad Al-Baaji Alle uga baryey inuu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka reer Tunisiya  u rajeeyay sabar iyo iimaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno katirsan Al Shabaab oo magaalada Muqdisho lagu qabtay iyaga iyo hubkooda

Cabdi Cade

Al-Shabaab ma waxaa loola dirirayaa in ay afkaar xagjir ah leeyihiin, Mise in ay yihiin awood hubaysan ?

Cabdi Cade

Dal kuyaala Aasiya oo xayiraad dhinaca Socdaalka kusoo rogay Dalal Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---