Milicsiga xiriirka taariikheed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Waxaan sahmineynaa xiriirka koraya ee u dhaxeeya Turkiga Iyo Soomaaliya. Dawladda Turkiga waxay dowr muhiim ah ka ciyaareysay siyaasadda Africa tan iyo markii uu awoodda hantay xisbiga AK Party 2002. Xilligaa dawladdu waxay Afrika ku laheyd 12 safaarad haddase waxaa uga furan 35. Xiriirka ganacsi ee ay la laheyd qaaradda waxa uu ahaa $2 bilyan marka laga cabbir qaato sannadihii 2002-2005-tii, immika waxa uu kor u dhaafay $22 bilyan. Waxay xukuumadda Turkiga dooneysaa in xiriirkeeda ganacsi ee Africa uu gaaro 50 bilyan ilaa 2020-ka. AK Party waxa uu la yimid fur-furnaan siyaasadeed oo heer caalami ah. Waa ta keentay inaan xiriir yeelano!

Milicsiga xiriirka taariikheed ee labada dal

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu leeyahay taariikh fog. Tusaale kooban qiyaastii qarnigii 16aad waxaa jiray dagaal dhexmaray boqortooyadii  Ajuran Empire oo Soomaaliya ka jirtay iyo gumeystihii Portuguese . Dawladii Ottoman Empire oo ka dhisneyd Turkiga waxay hub iyo ciidanba u soo dirtay Soomaaliya.

Xiriirkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay Turkiga iyo dalka waxa uu daciifay kaddib markii ay burburtay dawladii Cuthmaaniyiinta lana aasaasay jamhuuriyaddii Turkiga sannadkii 1923. Turkiga waxa uu markii ugu horreysay xafiis siyaasadeed ka furtay Soomaaliya 1979, waxa uuna shaqeynayay ilaa qaran-jabkii.

Duruufo jiray awgood xiriirka labada dal waxa uu muddo ku socday heer hoose laga soo bilaabo 1923 ilaa 2011 waxaana loo tiiriyaa dumidii dawladdii Cilmaaniyiinta iyo bur-burkii Soomaaliya ka dhacay sannadkii 1991.

Xaalka dalka iyo Dib u curashadii xiriirka laba qaran

Waxay aheyd goor dalka dhibaato badani ka jirtay – abaar iyo   colaad – bishi July sannadkii 2011-kii Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in macaluuli ka jirto gobolada koonfureed ee Soomaaliya Bakool iyo Shabeelada hoose , markii dambe abaartu waxay ku fiday gobolo kale sida Shabeelada Dhexe.

Mushkiladda abaarta waxay gaartay meel sare kaddib markii ay iska soo dabo noq-noqatay waxaa loo aqoonsaday middii ugu darneyd ee Soomaaliya ku dhufata 25 sanno gudahood. Dad ku dhaw 260,000 kun oo qof ayaa u dhintay  intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012, sida lagu xaqiijiyay warbixin si wadajir ah loo daabacay. Tirada dhimashada dadka, keliya intii u dhaxasay May Iyo August sannadkii 2011 waxay gaartay  30,0000 sida ay xaqiijisay hay’adda beeraha ee FAO, duunyadana    warkeedaba daa!

Dawladda dalka ka jirtay waxay aheyd ku meel gaar , awoodeeda inay ka jawaabto macaluusha ayaa iska xadidneyd, caasimadda qeybo ka mid ah waxaa ka socday dagaal toos ah, badi gobalada siiba meelaha abaabrtu aadka u saameysay waxaa gacanta ku hayay Alshabab.

Quwadaha dunida kama qarsooneyn dhibaataas, hase ahaatee kuma aysan soo degdegin wax ka qabashada dhibaatadaasi, balse mar qura waxaa lagu baraarugay dawladda Turkiga  oo hawlo samafal ah ka bilowday dalka!

Recep Tayyip Erdogan, madaxweynaha dalka Turkiga – oo xilligaas ra’iisulwasaare ahaa – ayaa ku dhiiraday inuu ka soo dego Muqdisho oo loo arkayay mus (meel) halis ah, waxa uu xeradooda ugu tagay dhibbenayaashii abaarta, waxa uu ahaa ficil dareenkiisa  leh. Imaantinkii madaxweyne Erdogan waxay ibo-fur u aheyd xiriirka labada dal, dhinaca kale waxay kalsooni siisay dawladihii ka didsanaa Soomaaliya.

Dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain iyo China ayaa bilaabay inay xiriir diblomaasi la yeeshaan Soomaaliya, sidaa darteed dawladda Turkiga waxay geed-qaaday kayntii cabsida ee ku dadneyd dalka!

Xisbiga madaxweyne Erdogan markuu talada qabsaday waxa uu isku hawlay dib u soo celinta awooddii islaamka iyo xoojinta xiriirka dibadda, dhacdooyinkii bilowga u ahaa dib u dhalashada xiriirka labada waddan waxaa ka mid ahaa kulan Erdogan iyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed AUH ku dhex maray Addis Ababa dhammaadkii January 2007. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saddex jeer booqasho ku tagay Ankara ka hor imaatinkii Erdogan 2011.

Natiijada ka dhalatay

Booqashadii Erdogan waxay saldhig u aheyd wax is-dhaafsiga ilaa maanta jira, markii uu guryo noqday waxa uu dalkiisa ka bilaabay olo’le qaran oo ujeedkiisu ahaa sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed, ololahasi kaddib waxaa suura galay in la uruuriyo $300 million.

Hay’adda TIKA waxay Muqdisho ka hirgalisay mashaariic horumarineed sida kuwo caafimaad, wax-barasho iyo dhammeystirka kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka. Wixii intaa ka dambeeyay labada dal ayaa noqday saaxiibbo wax is dhaafsada, sannadkii 2015 ganacsiga is dhaafsi ee labada qaran waxaa lagu sheegay $72.3 million.

Mar labaad ayuu Erdogan yimid Muqdisho 25 January sannadkii 2015 isaga oo madaxweyne ah, waxay caddeyn u aheyd inuu miro dhalay xiriir uu xididada u muday 19 August 2011-kii, xagaagii abaarta. waxa uu furay silsiladii saska ee Soomaaliya surneyd sannado! Dawladda uu hoggaamiyo waxay noqotay dawladdii ugu horeysay ee safiir u soo magacawda Soomaaliya Asia Iyo Yurub oo dhan  Siniin kaddib. Waxaa iswediin mudan maxaa suura galiyay ama sabab u ah inuu xoogeysto xiriirka labada dal?!

Seddex qoddob ayaa gun u ah 1- Turkiga oo ay hoggaamiyaan siyaasiin ay ka go’an tahay qaddiyadda muslimiinta 2- Turkiga oo doonaya inuu ganacsatadiisa u helo suuq cusub 3- Turkiga oo daneynaya istiraatiijiyad siyaasadeed.

Maqaal uu qoray Erdogan ujeedka dawladiisa ugu hawlan tahay Soomaaliya waxa uu ku soo koobay lix qoddob 1- Xoojinta xiriirka taariikhiga 2- Yareynta dhibaatada bani’aadannimo 3- dib u dhiska dalka  4- Soo celinta nabadda iyo ammaanka 5- in dareenka dunida lagu duwo abaartii jirtay 6- iyo Ka qeyb qaadashada xasiloonida gobolka.

Soomaaliya waxay ku taal bar muhiim ah, waa kadinka laga soo galo Qaaradda, geesta kale waa hud u dhaxaysa dawladaha islaamka ee Asia iyo kuwa massiixiyiinta Africa. Waa dal deris la ah dawladaha hodanka ku ah shidaalka oo leh dhul waasac ah iyo khayraad. Waxaa labo dacal ka qooya badda cas iyo tan Hindiya oo ay ku yaalaan marino miisaan leh sida; Suez Canal.

Marka sidan oo kale dali muhiim u yahay waxa uu yeelanayaa cadow, waxayse ugu daran tahay marka  aysan ka jirin dawlad ka yureysa hororka soo bareera iyo kan gaatama, haddii kale har cad ayaa lagu harimeysan! Balse waxa uu ku badbaadi karaa  helidda xulufo quwad leh, aan soo guntee hadalka dawlada turkiga waxay  Soomaaliya u noqon kartaa sar-sar halistaas ka saabta (ka Difaac adag).

 

Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -