Allbanaadir.com
NEWS

Masuul xilka laga qaaday oo isna maanta xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo maamulka Jubbaland Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), oo shalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland xilka ka qaaday , ayaa isna goordhaw sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Guddoomiye Shimbir ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday maareeyihii garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey, waxa uuna u magacaabay maareeyaha cusub ee garoonka Cabdixakiin Maxamed Cumar.

Warqada xil ka qaadista uu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka ayaa lagu ogeysiiyay xil ka qaadista uu sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya , gaar ahaan Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Amniga Soomaaliya, lagumana xusin maamulka Jubbaland warqadan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo ayaa taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo kahor ninkan iyo xubno kale oo la socday loo diiday in ay ka degaan garoonka diyaaradaha Garbahaarey, kaddib ammar kasoo baxay maareeyaha garoonkaasi .

Related posts

Dayuurad ku burburtay garoonka Bali-doogle iyo AMISOM oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Maraykanka oo ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Saraakiisha Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wararkii ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---