Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kuuriyada Koonfureed oo Gantaalo ku riday Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka

Diyaaradaha dagaalka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa gantaalo digniin ah ku riday diyaarad Ruushka leeyahay oo lagu eedeeyay in ay kusoo xad gudubtay hawada dalkaasi.

War ay soo saartay dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in diyaaradaheeda dagaalka ay gantaallo digniin ah ku rideen diyaarad laga leeyahay Ruushka oo hawada dalkaas kusoo xadgudubtay.

Diyaarada Ruushka ayaa la sheegay in labo mar ku xadgudubtay hawada Kuuriyada Koonfureed gaar ahaan jasiiradda Takeshima, waxaana Diyaaradaha dagaalka Kuuriyada Koonfureed diyaaradaasi ku rideen gantaalo badan oo digniin ah.

Dowlada Ruushka ayaa beenisay in diyaarad ee leedahay ku xadgidbtay hawada Kuuriyada Koonfureed, mana bixin faah faahin badan oo ku aadan eedeynta uga timid Kuuriyada Koonfureed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waddooyinka Baledweyne oo saakay xiran iyo Meydad la layahay meel la marsiiyo

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka oo Wadahadalo u bilowday (Sawirro)

Cabdi Cade

Dal Qaati ka taagan Shimbirka Daa’uuska & sharci lagu leynayo oo la soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---