Xubno ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Xubno ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) oo ka mid ah la-taliyeyaasha Xafiiska  Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wafdigan ku soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya xubnahan loo galbiyay Madaxtooyada Galmudug ee ku taalla  magaalada Dhuusamareeb halkaasoo uu ka degan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degaanada Galmudug ayuu guddigan kulamo wada tashi ah la qaadan doonaa guddiigan, si xal loogu helo khilaafaadka dhinaca beelaha ah ee ka jira degaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -