Dhaqtarkii ugu horeeyey Somalia oo Xaflad Maamuus ah loogu sameeyey Muqdisho (Sawirro)

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu soo dhoweynayey Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo ah qofkii ugu horeeyey Soomaali ah oo dhaqtar noqda, kana qelin jebiya Jaamacad caalami ah, isagoo dhinaca kale xilal oo sare ka soo qabtay gudaha iyo dibeda.

Munaasabadan oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association) ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Caafimaadka, xildhibaano ka tirsan Aqalka sare, dhaqaatiir fara badan, aqoonyahano kale iyo qeybaha bulshada.

Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo da’diisu ay kor dhaaftay 80 sano jir ayaa dhowaan ku soo laabtay dalka, isagoo ka yimid dalka Tanzania oo uu in muddo ah ku noolaa.

Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Benaadir, haatana ah agaasimaha heyadda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SDRI) Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka mid ahaa xubnaha ka hadlay xaflada ayaa sheegay in Dr. Ducaale uu yahay aabaha dhaqaatiirta Soomaaliyeed, maadama uu ahaa qofkii ugu horeeyey Soomaali ah ee dhaqtar ka noqda dalka.

“Anagu waxaan leenahay Urur dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin kumanaan dhaqtar oo dhalinyaro u badan, balse waxaa jirtay xili Dr. Clmi Axmed Ducaale uu keligiis metelayey ururkan, waana dhaxalka nool ee mudan in lagu maamuuso daradajaas weyn ee aan lala wadaagin ” ayuu yiri Dr Dalmar.

Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Max’ed Yuusuf oo isna Munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in Dr. Cilmi uu wax badan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa, loona baahan yahay in lagu daydo.

“Ka Sokow inuu ahaa dhaqtarkii Soomaaliya ugu horeeyey, wuxuu kaloo ahaa dhaqtarkii ugu horeeyey ee Wasiir noqda, dhaqtarkii ugu horeeyey ee safiir noqda, dhaqtarkii ugu horeeyey ee noqday hormuudka kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda ummadda, waana astaan iyo marjic u taagan dhaqaatiirka Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Max’ed Yuusuf oo xusay in loo baahan yahay dhaqaatiirta da’da yar iney khibrad ka qaataan waayo joogii Dr. Cilmi, ayna ku daydaan.

Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle oo ka tirsan Golaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, kana tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo isna ka hadlay Munaasabadan ayaa ku tilmaamay  Dr. Clmi Axmed Ducaale halyey Qaran oo ay tahay in la maamuuso taariikhdiisana wax laga barto.

“Waxaa farxad ii ah inaan Dr. Clmi Axmed Ducaale soo gaarsiiyo salaan iyo bogaadin aan uga sidoo Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi” ayuu yiri Prof. Dufle oo dhinaca kale ku dheeraaday inta uu ka yaqaano taariikhdii iyo waxqabadkii Dr. Cilmi iyo dedaalkii uu u galay xoojinta bahda Caafimaadka.

Dr. Clmi Axmed Ducaale oo ugu dambeyn Munaasabadaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dhaqaatiirta Soomaaliyeed soo dhoweynta iyo maamuuska & qadarinta ay u sameeyeen, isagoo dhinaca kale ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta fayo dhowrka guud ee bulshada.

“Waxaan runtii ku faraxsanahay in cimrigeygu igu simo inaan arko dhaqaatiir Soomaaliyeed oo intan le’eg, iskuna darsaday tiro, tayo iyo firfircooni, kuwaasoo maanta u taagan iney bulshadooda ugu shaqeeyaan si hufan, waxaa kale oo aan ku faraxsanahay dhaqaatiirtii aan wax soo barnay inay maanta iyana noqdeen Macalimiin soo saaray jiil cusub oo dhaqaatiir ah, welina sii wada iney qaar kale soo saaraan, waana idinkugu hambalyeynayaa” ayuu yiri Dr. Cilmi oo ku dheeraaday dib u gocashada Waayo joogiisii, isagoo ka sheekeeyey marxaladihii ay soo mareen bahda Caafimaadka Soomaaliyeed.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi farxadeed ayaa waxaa waxaa sidoo kale intii ay socotay hadalo khiiro badan oo soo dhoweyn ah ka jeediyey Agaasimaha Isbitaalka Aadan cadde Cusmaan Aadan Cabdulle, Madaxa qeybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir. Drs. Luul Maxamed Max’uud, Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benaadir Dr. Tahliil Cabdi Afrax, Masuul ku hadlay magaca Wasaarada Caafimaadka iyo xubno kale.

Waa kuma Dr. Cilmi Axmed Ducaale?

Dr. Cilmi Axmed Ducaale wuxuu ku dhashay Tuulada Far-qalaad oo hoos tagta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan sanadkii 1933kii, Wuxuu waxbarashadii Quraanka iyo waxbarashada Hoose/Dhexe ku qaatay Magaalooyinka Buulo-Burte iyo Xamar. Wuxuu ka mid ahaa ardaydii nasiibka u yeelatay in ay wax ku bartaan Dugsigii Macallin Jaamac Bilaal. Ka dib, Dr. Cilmi wuxuu Waxbarashadii Dugsiga Sare ku qaatay Dugsiga Sare ee Xantuub oo ku yaalla magaalada Wad-Medan ee dalka Suudaan.

Wuxuu sannadkii 1960kii ka qalin jebiyay Jaamacada Caafimaadka iyo Qalliinka ee Roma (Talyaaniga) halkaasoo uu ku qaatay shahaadada “Dhakhtarka daweynta Guud (MD).” isagoo sannadii 1963kii ka soo qaatay Jaamacadda Edinburgh ee dalka Ingriiska (UK) shahaadada sare ee Caafimaadka Guud.

Dr. Cilmi wuxuu ku sifoobay Dhakhtarkii ugu horeeyay ee loo soo tababaro Qaranka isla markaasna u adeegay qaranka horaantii 1960kii. wuxuu horay uga soo shaqeeyay isbitaalka caanka ah ee (De Martino) ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, wuxuu ahaa Agaasimihii Guud ee ugu horeeyay ee Wasaaradda Caafimaadka ka dib xoriyaddii qaranka 1-dii Luulyo 1960. Waxaa xusid mudan in Dr. Cilmi uu sidoo kale noqday Hormuudkii ugu horeeyay ee Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Ummada Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena ka ahaa Macallin Sare.

Horaantii 1969kii, Dr. Cilmi wuxuu ku biiray siyaasadda isagoo xubin ka noqday Baarlamaankii Qaranka wuxuuna noqday Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dawladdi rayidka ahayd ee ugu dambeysay.

Kadib Inqilaabkii milatari ee kacaanka 21kii Oktoobar 1960kii, Dr. Cilmi wuxuu xabsi la galay siyaasiintii qaranka ee ciidamadu ku xabiseen Magaalada Afgooye. Wuxuu halkaas kula xirnaa siyaasiin caan ku ah dalka oo ay ka mid ahaayeen (ALLAHA u naxariistee) Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, Ra’iisul Wasaare  Maxamed Ibraahin Cigaal iyo qaar kale.

Kadib markii laga soo daayay xabsiga Dr. Cilmi wuxuu ku biiray shaqaalaha hawlgalka caalamiga, isagoo ku biiray Haya’dda Caafimaadka Adduunka (WHO) sanadkii 1974tii. Dr. Cilmi wuxuu Haya’ddaas ka qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin: Sarkaal Caafimaad, Xiriiriye iyo Horjooge Mashaariic kala duwan, Ugu dambaystii Dr. Cilmi wuxuu ahaa mudadii u dhaxaysay 1975-tii ilaa 1999kii Wakiilka Haya’dda Caafimaadka Adduunka (WHO) u fadhiya dalalka Nigeria, Tanzaania, Zanzibaar, iyo Eritariya.

Dawladii Federaalka KMG aheyd ee uu horkacayey Madaxweyne marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa u magacowday sanadkii 2005 Dr. Cilmi Axmed Ducaale inuu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay magaalada New York.

Dr. Cilmi wuxuu ka mid yahay siyaasiinta fara ku tiriska ah ee aan gacmaha la galin qaska iyo jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jirtay xiligii burburka.

Inkastoo Dr. Cilmi uu ka fariistay hawlihii tooska ahaa ee shaqadii Qaramada Midoobay, haddana, wuxuu ku sifoobay mid aan hawgab ka noqonin wax ku biirinta horumarinta Caafimaadka adduunka iyo cilmi baarista gaar ahaan tan Afrika.

Af-Soomaaliga ka sokow Dr. Cilmi wuxuu ku hadlaa luqadaha: Ingriiska, Carabiga, Talyaaniga, Fransiiska iyo Sawaaxiliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -