Faahfaahin: Weerar shacab lagu laayey oo ka dhacay duleedka degmada Balcad

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay koox hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayey duleedka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

Falkan ayaa sida la sheegay ka dhacay Tuulada Xaanshooley oo u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii darawalka Gaariga uu diiday inuu joojiyo Gaariga taasoo keentay rasaasta lagu furay.

Dhinaca kale, dagaal u dhexeeya labo Maleeshiyo beeleed ayaa ka socda nawaaxiga degmada Balcad, kuwaasoo isku heysta Milkiyada dhul halkaas ku yaalla. khasaaraha ka dhashay weli lama oga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga ay la socdeen dadka shacabka ah ay rasaasta ku fureen Mid ka mid ah labada maleeshiyo beeleed oo ka shakiyey iney la socdeen maleeshiyada beesha kale ee colaadu kala dhexeysay.

Maamulka Sh/dhexe iyo kan degmada Balcad ayaan illaa hadda ka hadlin dhacdadan, iyadoo meydadka dadka dhintay la geeyey degmada Balcad halka dadka dhaawacmay loo soo qaaday Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -