Sacuudiga oo dib u soo celiyey Markab xoolo ka qaaday dekeda Berbera (Sababta)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday xoolo Ari u badan oo gaaraya 20 kun oo Neef, kaasoo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Maamulka Somalliland.

Markabkan oo ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah ayaa lagu amray inuu dib u laabto ka dib mar laga waayey  warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka Somalia bixiso.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga soo celiyay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland, isagoo sheegay in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka Somalia, wuxuuna talaabadan ay qaaday dowlada Sacuudiga ku tilmaamay wax laga xumaado.

Sucuudiga ayaa dhawaan ku wargeliyay Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahan yahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka Somalia.

Hase ahaatee Somaliland ayaa arrintaas ku gacan seyrtay iyadoo Ganacsatada Maamulkaas Sacuudiga u dhoofiyeen Markab 20 kun oo Neef oo Ari ah wada, balse Sacuudiga ayaa sida muuqata ku adkeysanaya in warqadaas la helo, waxayna arintan caqabad ku noqotay ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha u dhoofiya Sacuudiga oo macaash heli jiray xiligan oo kale ee xajku soo dhow yahay.

Markabka la soo celiyey oo lagu magacaabo MV-FAHAD iyo ayaa ku soo wajahan Dekadda Magaalada Berbera halkaasoo uu ku soo celinayo xoolihii faraha badnaa ee uu ka daabulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -