Hodan Naaleeye iyo Seygeeda oo kamid noqday dadkii lagu dilay Weerarkii Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo dagaalyahanada Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey ee magaalada Kismaayo.

Dad magac leh , Wariyaal, Siyaasiyiin iyo dad kale oo qurbo joog ahaa ayaa kamid noqday dadka ku dhintay weerarka wali ka socda Dhismaha Hotelka Cas Caseey ee kuyaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Sida aan Wararka ku helnay dadka ku dhintay Weerarka Kismaayo ayaa waxaa kamid ah Gabar Suxufiyad ah oo lagu magaacabayay Hodan Naaleeye oo caan ka aheyd baraha bulshada gaar ahaan Facebook .

Hodan Naaleeye oo ka timid dalka Canada ay ku nooleyd ayaa kamid noqotay dadka ku dhintay Weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey, waxaana Hodan la sheegay in uu la dhintay Seygeeda oo Wasiir kasoo noqday maamulka Jubbaland.

Ilaah ha u naxariistee Gabadhan ayaa aheyd mid dalkeeda aad u jecel bulshada caalamkana u bandhigi jirtay xaalada dalka Soomaaliya, waxa ayna booqasho marar badan ku tagtay magaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaala.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Kismaayo ayaa ah mid isa soo taraya , waxaana dadka weerarkan lagu dilay ku jira dad badan oo caan ah oo isugu jiray Siyaasiyiin, Wariyaal ,qurbo Joog iyo dad kale oo shacabka magaalada Kismaayo kamid ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -