RW Khayre oo soo gebagebeeyey safarkiisii Magaalada Gaalkacyo (Halkuu ku sii jeedaa)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta markii 3aad Labo todobaad gudahood dib ugu laabanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid howl-wadeenada xafiiskiisa ayaa saaka gaaray Dhuusamareeb waxaana sida qorshuhu yahay Ra’iisul wasaaruhu safar dhanka cirka ah ku tagayaa Dhuusamareeb.

Khayre ayaa la filayaa in maanta marka uu gaaro  Magaalada Dhuusamareeb uu halkaasi ka sii wado dhismaha Maamulka Galmudug oo meel xasaassi ah maraya, iyadoo ay weli jiraan beelo wax tabanaya iyo dhibaatooyin kale oo ku hor gudban dhismaha Galmudug mideysan.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa markii uu tego Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug ee ku sugan halkaas, isagoo kala hadli doona xaalada Galmudug iyo sida ay ku dhici laheyd doorasho loo dhan yahay.

Khayre oo todobaadkii sadexaad ku sugan gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku jahwareeray tabashada badan ee beelaha, iyadoo markii beella qanciyaba ay soo baxayaan beelo kale taasoo xalinta arinta Galmudug ka dhigtay Musalsal aan dhamaad laheyn oo madax xanuun ku riday raisul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -