Dowlada France oo qaaday talaabo si weyn uga careysiisay Madaxweyne Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in la baaro qorshe uu Faransiisku ku doonayo in uu ku canshuuro Shirkadaha Farsamadda casriga ah ama Technology-yadda, baaritaankaan waxaa uu keeni karaa in Mareykanku uu canshuur ku soo rogo faransiiska ama uu saaro culeys kale oo dhanka ganacsiga ah.

“Mareykanku aad ayuu uga walaacsan yahay Canshuurta adeegga casriga ah oo la filayo in ay meel mariyaan Aqalka sare ee faransiiska taasi oo si aan cadaalad ahayn u beegsaneysa shirkadaha Mareykanka” ayuu yiri Wakiilka Ganacsiga Mareykanka Robert Lighthizer.

Muddo Sanad ah ayaa la siiyay Robert si uu u baaro in qorshaha canshuurta ee faransiisku uu dhaawici karo shirkadaha Mareykanka.

Wasiirka maaliyadda ee Faransiiska Burno Le Maire ayaa sheegay Bishii March in 3% Canshuur ah oo faransiisku kusoo rogo Shirkadaha Internet ka ay daqliga dalka kusoo kordhin karto 500 oo million oo Euro sanadkiiba.

Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxay ku sheegtay in adeegyadda uu faraniisku beegsanayo ay yihiin kuwa shirkadaha Mareykanku ay aduunka ku hogaamiyaan. Canshuurta Cusub iyo hadaladda Masuuliyiinta faranisiikuna ay muujinayaan sinaan la’aan ganacsi.

Wakiilka Ganacsiga ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu ku amray in ay si hufan u baaraan waxyeeladda ganacsiga Mareykanka soo gaari karta iyo haddii ay jiraan ujeedooyin gaar ah oo faransiisku ku beegsanayo Shirkadaha ku horumaray farsamadda casriga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -