Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa saakay ku qarxay agagaarka Isgooska Difgeer ee magaalada Muqdisho , qaraxan ayaana ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu weeraro bartilmaameed, dadka deegaanka ayaana ciidamada amaanka ku wargaliyay gaariga qarxay xili uu doonayay in uu maro wado caro lagu jaray.

Ciidamada amaanka oo gaaray goobta uu gaariga doonayay in uu kasoo gudbo ayaa rasaas ku riday, waxa ayna ciidamada ku amreen wadaha gaariga in uu kasoo dego balse ka biyo diiday dalabka ciidamada .

Dadka degan halka gaariga qaraxa waday lagu qabtay ayaa lagu amray in goobta ka fogaadaan , waxaana gaariga uu qarxay daqiiqado badan kadib markii  dadka aagaasi isaga baxeen.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in la fashiliyay qaraxa gaariga , waxa ayna sheegeen saraakiisha in uusan qaraxaasi khasaaro badan geesan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay jiraan dad ku dhaawacmay qaraxa.

Qaraxan ayaa bur buriyay guryo badan oo kuyaalay halka uu ku qarxay gaariga, waxaana sawirro laga soo qaaday goobta lagu arkayay guryo badan oo isugu jiray dhagax iyo jiingado oo goobtaasi ku bur buray.

- Advertisement -