Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo maanta lagu wareejiyay Gadaadiil dagaal iyo maleeshiyaad (Daawo Sawirada)

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay gaadiid dagaal iyo sidoo kale boqolaal maleeshiyo beeleed ah oo ku sugnaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Munaasabada dowlada federeaalka kula wareegeysay maleeshiyaadka iyo hubkooda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo taliyaasha ciidamada qalabka sida.

Maleeshiyaadkan iyo hubkooda maanta lagu wareejiyay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa tababar kadib kamid noqon doona ciidamada Dowlada , waxaana saraakiisha ciidamada sheegeen in la diiwaan galin doono si ay u helaan xaquuqdooda.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey ula wareegtay maleeshiyaadkii kooxda Ahlu Sunna iyo hubkooda, waxa ay sidoo kale dowlada la wareegeysaa maleeshiyaad kale si tababar loo siiyo looguna biiriyo ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Maamul goboleed oo taageeray Metelaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Xaaf oo si adag ula hadlay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay saddex nin oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---