In ka badan 200- Sargaal oo loo xiray Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Itoobiya

Gobolka Amxaarada dalka Itoobiya isbuucii hore waxaa ka dhacay afgembi fashilmay , waxaana afgembigaasi qorshihiisa intii uu socday la dilay Madaxweynihiii maamulka Amxaarada Itoobiya iyo taliyihii difaacada Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa qaada howlgalo balaaran oo lagu qab qabanayo dad badan oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen afgembiga fashilmay, waxaana hada xabsi la dhigay dad ka badan 250-qof oo lala xariirinayo afgambiga fashilmay.

Dadkaasi la xir xiray ayaa  in kabadan 200- waxa ay yihiin saraakiil dhinaca amaanka ee maamulka Amxaarada, waxaa sidoo kale saraakiisha la xir xiray qaarkood laga qab qabtay magaalada Adis Ababa.

Telefishinka dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale shaaciyay intii uu socday howlgalkan lagu soo qab qabtay hub badan oo sharci daro ah, waxaana dadka xir xiran la filayaa qaarkood in maxkamado lasoo taago.

Intii uu socday afgembigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada Itoobiya ayaa lagu dilay Madaxweynihii maamulka Amxaarada, taliyihii ciidanka Difaaca Itoobiya iyo Sadex sargaal oo kale.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

- Advertisement -