RW Khayre oo beri ku wajahan Caabudwaaq & wafdi hordhac ah oo gaaray (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa galabta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Carabey oo ka dhoofay Muqdisho ayaa halkaas u tagay soo dhoweynta wafdi uu horkacayo raisul wasaaraha xukuumada Somalia oo beri halkaas ku sii jeeda.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga horjeeday siyaasada Madaxweyne Xaaf taasoo keentay in maamulka Galmudug uu u kala jabo labo garab oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Wararkii ugu dambeeyey ee caawa naga soo gaaray degmada Cadaado ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo sidii dib u heshiisiin iyo maamul mideysan looga sameyn lahaa Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa sanad ka dib mar kale la ciirciireysa wufuud kala duwan iyo siyaasiyiin fara badan, iyadoo dowladu qorsheyneyso in Galmudug loo sameeyo maamul mideysan oo dhinacyada oo dhan ay raali ka yihiin.

  Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -