(Daawo Sawirro) Masuliyiinta Galmudug oo markii ugu horeysay kulan ka soo muuqday iyagoo Mideysan

Madaxda hogaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta iyagoo mideysan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxwene Xaaf, Ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamanka Cali Gacal Casir iyo guddoomiyaha Ahlu suna ee gobolada dhexe Shiikh Shaakir oo dhowaan la midoobay Galmudug.

Waxaa sidoo kale kulankan ka qeyb galay xildhibaano iyo siyaasiyiin ka jeeda Maamulka Glamudug iyo xubno kale.

Kulankan oo ahaa mid lagu muujinayey midnimada Maamulka ayaa waxaa ka hadlay xubno kala duwan oo uu ka mid ahaa Madaxweybe Xaaf oo ku baaqay in la iscafiyo maadaama ay heshiiyeen dhinacyadii uu khilaafka kala dhaxeeyay oo dhan.

Waxaa uu intaas ku daray in ay guul wayn tahay in Galmudug oo dhan iyo madaxda Ahlusuna ay kulan isugu yimaadaan isaga oo maamulka Ahlusuna ee dhawaan uu heshiiska la galay maamulkiisu ugu bishaareeyay in dhawaan la furayo dekada Magaalada Hobyo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxda Maamulada Galmuudg iyo Ahlusuna ay heshiis awood badan siinaya Shiikh Shaakir ay ku kala saxiixdeen Madaxtooyada Soomaaliya.

Maamulka Galmudug oo dhowaanahan la daalaa dhacayey khilaafyo dhexdiisa ka taagnaa iyo mucaarad kaga furnaa maamulka ahlu suna ee Dhuusamareeb ayaa hadda u muuqda in caqabadahaas oo dhan uu ka soo gudbay, uuna galay marxaladiisii ugu wanaagsaneyd tan iyo markii la dhisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -