Afhayeenka Al-Shabaab oo fariin culus u diray Soomaalida gobolka W/bari Kenya

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali dheere) ayaa soo saaray fariin ku socota Soomaalida ku nool dhulka Waqooyi Bari Kenya, isagoo dhinaca kale digniin culus u diray xukuumadda Kenya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ka hadlay dhibaato uu sheegay in Soomaalida Kenya ay kala kulmaan ciidamada Kenya, kuwaasoo ay ka mid yihiin xarigga dhallinyaradooda boobka iyo gubista suuqyadooda iyo ku tumashada xuquuqdooda aasaasiga ah iyagoo jooga dhulay iyagu leeyihiin.

Waxaa uu tilmaamay in Kenya aanay intaa ku ekeysan balse ay ka soo tallowday xadka Somalia islamarkaana ay duqeymo wuxuushnimo ah u geysatay maatida sida uu yiri, hase ahaateen ay heshay wax ka duwan wixii ay fileysay oo ah iska caabin adag iyo dhirbaaxooyin waaweyn sida weerarkii Westgate, kii Jaamacadda Gaarisa, Mpekatoni iyo kuwii lamid ahaa oo uu xusay iney jawaab u ahaayeen xasuuqyadii Wagala iyo Gaarisa Gubaay.

Wuxuu shacabka gobolka woqooyi bari Kenya ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan al-shabaab si buu yiri loo xaqiijiyo ahdaaf badan, haddii ay taas dhici waydana ay waligood dusha ka saarnaan doonto wax uu ugu yeeray heeryada gumeysiga.

“Kenya waa tan maanta mar kale u gogol xaaranaysa iney xasuuq kale ka geysato gobolka Waqooyi Bari iyadoo ku andacooneysa kuna eedeyneysa Muslimiinta ku nool iney ka hor tagi waayeen Mujaahidiinta” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo dhinaca kale ciidamada Kenya uga digay iney sii wadaan dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka Soomaalida ee gobolka woqooyi bari.

Shiikh Cali Dheere ayaa soo hadal qaaday weerarkii ay dhawaan dagaalyahanadoodu ku qaadeen ciidamadii Dowladda Federaalka ee joogay Ceelsaliini, weeraradii ka dhacay Lafoole degmada Qoryooley iyo degaano kale oo uu xusay in dagaalyahanadiisa ay guulo ka soo hoyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -