Saraakiil katirsan Hay’adda FBI-da Mareykanka oo iska hor imaad lagu dilay

Saraakiil katirsan ciidamada Danbi baarista Mareykanka ee FBI ayaa dil iyo dhaawac loogu geestay guri kuyaala gobolka Florida , kadib markii ciidamadaasi damceen guri laga shakiyay in howlkgal ka fuliyaan.

War kasoo baxay Hay’adda FBI ayaa lagu sheegay in labo sargaal oo katirsanaa ciidankooda la dilay sadex kalana la dhaawacay  guri ku yaalla degmada Fort Lauderdale oo ciidamada tageen kadib markii loogu yeeray.

Guriga ciidamada FBI-da gaareen ayaa looga shakisnaa inay ka socdeen fal danbeyeed ka dhan ah carruur, waxaana ciidamada rasaas kala hor yimid qof hubeesan oo isna goobta ku geeriyooday, waxaana wararka qaar sheegayaan in isagu is dilay.

Hey’adda FBI-da Mareykanka ayaa warka kasoo baxay lagu sheegay weeraraki shalay oo Talaado aheyd looga dilay saraakiisha uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara saraakiil ka tirsan FBI muddo sannado ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -