Mahdi Mohamed Guuleed oo kormeeray dekeda Muqdisho & Xarumo Wasaaradeed (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Duulista iyo Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda iyo weliba Dekedda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Duulista Md Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisalwasaare ku-xigeenka waxaanna uu uga warbixiyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan iyo hanaanka ay usocoto shaqadda Wasaaraddu, isagoo mid mid u booqday xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa iyagana dhankooda R/W ku-xigeenka kusoo dhoweeyay xafiiska W/D & G/B, waxaana dhex maray kulan mudo kooban qaatay oo ay R/W ku-xigeenka ugaga warbixinayeen shaqadda Wasaaradaasi.

Intaa ka dib Md Mahdi oo ay wehelinayso Wasiirka Dekeddaha iyo Gadiidka Badda Marwo Maryan Aweys ayaa booqday Dekedda Magaaladda Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho.

”Waxaan saaka kormeer shaqo ku tegey Wasaaraddaha qaar kamid ah iyo Dekedda Muqdisho, Kormeerkaasi wuxu qayb ka yahay barnaamijka joogtaynta isla xisaabtanka ee Xukuumadda. Waxaan soo aragnay sidday shaqooyinkooda u gudanayaan Wasaaradda Dekeddaha & gaadiidka badda iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda iyo weliba Dekedda weyn ee Xamar. Waxaan soo arkay in shaqadda Wasaaradduhu si fiican ay usocoto Wasiiradda iyo agaasimayaasha dhamaan shaqaaluhuna ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee maalinlaha ah” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo hadalkiisa sii-wata ayaa yiri “Dekedda Muqdisho oon sidoo kale tegey waxaan kusoo arkay shaqo wanaagsan oo ka socota ilaa afar markab oo waaweyn ayaa kusoo xidhay, dhaqdhaqaaqa dekedduna aad buu usareeyay shaqadda ay Maareeyaha dekedda iyo shaqaaluhu wadaana si fiican ayay u soconaysay.” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi oo warbaahinta la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -